Qancinta beelaha Soomaaliyeed ee qabyaaladdu u diinta tahay waa sida islaantaa oo kale, ma ahan mid laga salgaarayo, xalna loo helayo, maxaa yeelay, lama yaqaan waxa ay rabaan iyo waxa aysan rabin, taas oo keenaysa in lagu dawakho laguna wareero, lagana qaado madax xanuun iyo goobjab oo kali. Dowdlad Beeleedka Puntland ayaa Waxaa Looga Bartay Eray Beryahii danbe Caanbaxay oo Ah Dowlada Federalka Xiriirka ayaa u jarnay
Cabdiweli Gaas ayaa waxaa uu Hada ka hor isaga oo jawaab ka bixinaya Yiri “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA! ” haddaba, maanta hadalkaa yuu ku qabtaa mise isaga mise qof kale?.
Magac bixinta:
Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya ” Waaba weyndiine, ma dawlad goboleed baa, mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican” ka, ee ku taal Roma ee waddanka
Talyaaniga, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan tahay.
DASTUURKA PUNTLAND.
kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:
1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland , waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa ah: Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa, mise waa dawlad madax bannaan?.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.
Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.
3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan tahay?.
waxaa jiray nin ka shaqayn jiray Kaawada iyo dhagaxjabinta, maalintii oo dhan wixii uu soo shaqeeyo markii uu habeenkii guriga u soo hoydo ayaa waxaa afka iyo shaarubka iska marsha
afadiisa iyo aabbeheed (Soddoggiis ) markuu muddo sabrayey, ee arkay inaan arrintani is badalayn ayaa waxaa laga hayaa hawraartan caan baxday ee ah; “Ayadana ha ruugto,adoogeedna ha raamsado, anigana aan riimo ayaa i haysata” hadda, xaalka dawladdu waa
sida ninkaa, marka loo eego beelaha Soomaalida, dakhli iyo dollar walba inay afka u dhigtaan ka sokow dedaal iyo tallaabo walba, ee ay keento waxay ka horgeeyaan laad iyo haraati, walow ay jirto in dawladda qudheedu aysan aragti tolmoon iyo indha furnaan wax ku maamulin.
“QOF WALBA OO BEESHIISA SOOMAALI UGA EEXDAA/SEDBURSHAA, WAXAA HUBAAL AH IN BEESHANA UU UGA SEDBURIN DOONO JUFADIISA, JUFADANA UU UGA SEDBURIN
DOONO ILmA ADEERRADIISA! ”
Waaba su’aale, hadday Hadey Puntland Marwalba xiriirka dowlada iyo Jareyso hadana Sedbursi Gooni Rabto,maxay Soomaalida inteeda kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa
yaab, mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.
W/Q : Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Qormadan waa Mid lasoo Koobay ayadoo Dhameystiran Waxaad Ka heleysaa https://bilediraac.wordpress.com/
Bahda Qormo-Maal