Haddaan Naloo Sedburin Soomaali Ma Nihin!

image

Qancinta beelaha Soomaaliyeed ee qabyaaladdu u diinta tahay waa sida islaantaa oo kale, ma ahan mid laga salgaarayo, xalna loo helayo, maxaa yeelay, lama yaqaan waxa ay rabaan iyo waxa aysan rabin, taas oo keenaysa in lagu dawakho laguna wareero, lagana qaado madax xanuun iyo goobjab oo kali. Dowdlad Beeleedka Puntland ayaa Waxaa Looga Bartay Eray Beryahii danbe Caanbaxay oo Ah Dowlada Federalka Xiriirka ayaa u jarnay
Cabdiweli Gaas ayaa waxaa uu Hada ka hor isaga oo jawaab ka bixinaya Yiri “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA! ” haddaba, maanta hadalkaa yuu ku qabtaa mise isaga mise qof kale?.

image

Magac bixinta:
Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya ” Waaba weyndiine, ma dawlad goboleed baa, mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican” ka, ee ku taal Roma ee waddanka
Talyaaniga, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan tahay.
DASTUURKA PUNTLAND.
kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:
1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland , waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa ah: Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa, mise waa dawlad madax bannaan?.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.
Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.
3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan tahay?.

image

waxaa jiray nin ka shaqayn jiray Kaawada iyo dhagaxjabinta, maalintii oo dhan wixii uu soo shaqeeyo markii uu habeenkii guriga u soo hoydo ayaa waxaa afka iyo shaarubka iska marsha
afadiisa iyo aabbeheed (Soddoggiis ) markuu muddo sabrayey, ee arkay inaan arrintani is badalayn ayaa waxaa laga hayaa hawraartan caan baxday ee ah; “Ayadana ha ruugto,adoogeedna ha raamsado, anigana aan riimo ayaa i haysata” hadda, xaalka dawladdu waa
sida ninkaa, marka loo eego beelaha Soomaalida, dakhli iyo dollar walba inay afka u dhigtaan ka sokow dedaal iyo tallaabo walba, ee ay keento waxay ka horgeeyaan laad iyo haraati, walow ay jirto in dawladda qudheedu aysan aragti tolmoon iyo indha furnaan wax ku maamulin.

“QOF WALBA OO BEESHIISA SOOMAALI UGA EEXDAA/SEDBURSHAA, WAXAA HUBAAL AH IN BEESHANA UU UGA SEDBURIN DOONO JUFADIISA, JUFADANA UU UGA SEDBURIN
DOONO ILmA ADEERRADIISA! ”

Waaba su’aale, hadday Hadey Puntland Marwalba xiriirka dowlada iyo Jareyso hadana Sedbursi Gooni Rabto,maxay Soomaalida inteeda kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa
yaab, mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.

W/Q : Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Qormadan waa Mid lasoo Koobay ayadoo Dhameystiran Waxaad Ka heleysaa https://bilediraac.wordpress.com/


Bahda Qormo-Maal

Khatarta Caafimaad ee Sanbuuska.

image

Saanbusuhu waxa uu ka mid yahay cuntada loogu jeclyahay xilliga ramdaanta, qormo laga faafiyay shabakada Al-carabiya ayaa tilmaamaysa in saanbuuska oo ah nooca saliida lagu shiilo, sida ay soomaalidu badankeedu u samaysato uu khatar u yahay
caafimaadka.
Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacada HARVARD ee dalka maraykanka ayaa daaha ka qaaday in markaste oo ay korodho tirade maalmaha qofku uu todobaadkii saanbuusaha cunaayo inay sidoo kale la korodho suurtagalnimada
inay ku dhacaan cudurada wadnuhu.
Waxa aanay ku baaqeen in samaynta saanbuusaha loo maro nidaam caafimaad ahaan aan
dhibaato keenayn. Waxa kale oo ay ku taliyeen in laga foogado isticmaalka baradha (chips) diyaarsan maadaama ay xadi badan oo saliida cabto.

Sidoo kale waa in hilibka saanbuusaha lagu daraayo laga saafaa baruurta haddii hilib digaag lagu daraayana waa in laga saafaa maqaarka (diirka) khafiifka ah ee dusha kaga dhagsan Ugu danbayntii khubaradu waxa ay ku taliyeen in halkii saliid lagaga shiili lahaa ay fiican tahay in la dubo (lagu moofeeyo mishiinka.

Geeska Africa.
Ka Faaidaysi Wacan | Bahda Qormo-maal.

Sharmake Abdikarim Ahmed
Bahda Qormo-Maal

image

Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa
qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta.Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R
(Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi:
”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya,
wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo
marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”.

Hadaba Maxaa u gaar Ah bisha Ramadaan?.
Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah: Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal.
Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aanka kariimka.
Waxaa sunna ah bisha Ramadaan in la tukado salaada taraawiixda.
Waxaa Ramadaanka dhacay dagaalkii badar ee dadka taariikhda aqriyey la socdaan wacdaradii meeshaa ka dhacday.
Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa dhacay furashadii nabiga (s.c.w) loo balanqaaday oo ahayd furashadii Makkah AlMukarramah, dadkii reer Makkana ay Islaamka u soo galayeen si iskadaba joog.
Waxaa la furaa bisha Ramadaanka
albaada jannada, waxaana la xidhaa albaabada naarta iyo shayaadintaba.
Laakiinse shayaadiinul insi nagama maqna (dadka alle ku

image

Waqtigee la Soomayaa Soonka?
Waxay waajib noqonaysaa in soomo Ramadaanka marka la arko bisha Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon.
Waxaana waajib ah in lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama
aqbalayo wax ka yar la qof oo Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar argtida bisha ay arkaan
laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in bisha soddoonkeesa buuxsamo.

Lasoco Qeybaha Kale.
Ramadan Kareem.
BAHDA QORMO-MAAL.
MUQDISHO-SOMALIA

Sharmake Abdikarim Ahmed
Bahda Qormo-Maal

Degmada Jamaame

Jamaame waa degmo ku taala Gobolka Jubbada Hoose, waxay Muqdisho u jirtaa 440km sidoo kale Kismaayo u jirtaa qiyaas dhan 60 km. magaalada jamaame waa magaalo dhacda koonfur Soomaaliya Jamaame wuxuu Alle ku muteystay Qeyraad sida Mooska, Cambaha iyo Khudrada Jamaame waxaa hoos imaado
Tuulooyin aad u badan sida Bangeeeni, Turdho, NAftaa Quur iyo kuwa kale.

image

Jamaame waxaa dega qabiilka Biimaal,Surre,iyo in yar oo beesha jareer iyo digil iyo marifle ah
waxaa soo raaca dadyow asalkooda ka soo jeeda waddanka Yemen , gobolka Xadarmoot.

image

Jamaame xiligii dowladda iyo ka horba waxay laheyd warshado sida warshadii suufka, warshadii
Incas iyo kuwo kale badan waxa sidoo kale ay xarun u aheyd shirkaddii mooska dhoofin jirtay ee Somalfruit waxa sidoo xarumo waa weyn ku lahaa Bankigii ganacsiga Soomaalyeed.

image

Jamaame waxay ay leedahay garoon weyn oo diyaaradaha ka soo degaan. Marka laga reebo
schooladii dowlada, Jamaame waxa ku yaalay iskuulo ay la haayeen Masaarida iyo weliba Mareykanku lahaa.

image

Jamaame waxay leedahay laba suuq oo laka yiraahdo suuq mugdi
oo ku yaala xaga dambe ee magaalada iyo suuq iftiin ama suuq weyn ee ku yaala magaalada xaga hore ee laga soo galo. Sidoo kale magaalada waxay leedahay seddax xaafadood oo lakala yiraahdo Howlwadaag, Kacaanka iyo Nasiibwanaag (Nasiibtumaal).
Magaalada waxaa mara webi yar oo la yiraahdo Webi-Urow lagana soo jeexay webiga weyn ee Jubba.

W/Q: Engr Sharmake Abdikarim